Madaxweyne Dahir Riyaale?

Hadda maxaa cusub ,maxaa dheriga mar kale karka ka keenay .Bal u fiirso ,Galbeedka Somaliland waxaa soo galay si shrci darro ah ,250 oo ONLF ka tirsan oo hubaysan ,oo damacsanaa inay u gudbaan Ethiopia,waxaa la shaqeeyey dad gobolka Awdal u dhashay. Dabeetana markii ay arrimahasi dowladdu ka baaraan degtay ,waxay dhowaan xilkii ka qaadday General Xudhun ,oo isagu ahaa madax ciidamada Galbeedka Somaliland.
General Xudhuun oo u dhsahay gobolka Awdal ,hadii dowladiisu ay xilka ka qaadday ,maxaa ku jaban ,imisa masuul baa xilka laga qaadaa ?
Reer Borame miyaanay ogayn inaan dowladnimo iyo Qabiilnimo meel wada gelin.Maxaase Ugaasyada reer Boorame ay arrimaha siyaasadda had iyo jeer ugu horreeyaan.
Qiim intee le'eg bayse keeni karaan mudaharaadyo rabshado wata,oo laga yaabo in dad ay ku naf waayaan.
Hannaanka siyaasadeed ee cabintinkaaga aad dowlad dacwad ugu gudbin kartaa maaha debed bax iyo dhagax la tuuro .Reer Boorama ,markii rag lagu tuhunsan yahay ONLF inay yihiin loo gacan gelinayey Ethiopia ,maxay u debed ixi waayeen? Reer Boorame marka masuul Berbera ama Ceerigaabo u dhashay xilka laga qaado ,maxay u maduharaadi waayeen.
Si kastaba hanoqotee ,Reer Borame ,waa in ay af Gaalo ,iyo Af Muslim Mid uun ku hadlaan .
No comments:
Post a Comment