Culimo Somali ah oo si weyn looga yaqaan gobolka Minisota ,magaalada Minneapolis ayaa toddobaadkan galay Kiniisad ku taalla isla magaaladaasi ,iyaga oo ay weheliyaan ilaa 20 qof oo kale oo dumar iyo dhallani yaro u badan . Raggaasi culimada ahaa ayaa halkaasi u tegay inay ka qayb galaan ,waxa loogu yeedhay Midaynta Diimaha,ay ka mid yihiin Diinta Islaamka ,tan Masiixiga iyo tan Yuhuudda.
Hees iyo aayado Kitaabka Bibalka ku qoran ayaa lagu luqeeyey ,waxaana la maray dhamaan tallaabooyinkii la mari jiray marka lagu cibaadaysanayo Kiniisadda.
Arrinta ayaa cirka isku shareertay ,kadi marki alaaddii Jimcaha lagaga hadlay masajidada Mineapolis qaar ka mid ah .
Fadeexaddan ayaa noqotay ceeb si weyn cirka isugu shareertay oo laga hadal hayo gobolka Minisota.
Dood allaaran oo arintaasi lagaga hadlayo ayaa laga si daayey TV yada Somalida ee Minneapolis.
Si kastaba ha noqotee waxa su'aali ka taagan tahay waxa culimadii masaajidada Mineapolis qaarkood ay Kiniisad isugu hsubeen ,iyaga oo aan ka baaraan degin,waxa loogu yeedhay ,iyo welia sababta ay u yeeleeninay heesaha masiixiga ku luuqeeyaan.
No comments:
Post a Comment