SAFAARADDA MARAYKANKA NAIROBI

SAFAARADDA MARAYKANKA NAIROBI

Saturday, October 2, 2010

SIILAANYO OO AY FAR KU GODAN TAHAY ,INUU ISAGU KA DAMBEEYEY ,SOO GELITAANKA ONLF EE SOMALLAND.

Ilo  wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in madaxweynaha Somalland ,Ahmed Mohamed -Siilaanyo uu ka dameeyey in maleeshiyaad hubaysan oo ka tirsan ururka ONLF ay dhowan so galaan xeebaha ,Galbeedka Somaliland .
Maleeshiyaadkaasi o tiradooda lagu qiyaaso ilaa 250 ciidan aha  ayaa aakhirkii u gudbay xadka dhinaca Ethiopia,kadib markii ay jiddheen ciidamada Kililka Shanaad ee Ethiopia ee lagu magacaabo New Polis .
Waa dufcadii  saddexaad oo ciidamo hubaysan ah oo  ee halkaasi ka gudubta  ,iyaga oo aan far lagu fiqin. Warar xogogal ah ayaa haddaba ku warramaya in Dowlada Ehiopia ay weerar siyaasadeed ku haysan Siilaanyo,tan iyo intii loo doortay madaxweynaha Somaliland.
Siilaanyo aya isaguna soo geliyey ciidamo ONLF ah oo u gudba Dhinaca Ethiopia si ay u weeraraan Ciidamada Ethiopia,si markaasi Ethiopia ay nabadda u ogolaato.
Dowladda Somaliland ayaan lafteedu isku si u haynin wararka ku saabsan ONLF oo Somaliland dhex mushaxaysa ,iyada oo aan la tebin.

No comments:

Post a Comment