Wasiirka warfaafinta ee Somaliland C/Lahi Geel jire,ayaa soo saaray amar uu Universal kaga jojinayo shaqada ay ka hayaan Somaliland.
Wasiirka ayaa carrabaabay in Universal an dhexdhexad ka ahayn howlaheeda saxaafadeed ayna mudan tahay inaanay wax shaqo ah ka qaban Somaliland.
Dhinaca kalena ,Agaasimaha Universal TV ,Eng Abubakar ayaa sheegay in TV goodu uu Somalida u yahay dhxdhexaad ,islamarkaasina aanu cidna gacan ku siin dnaha ay iyagu gaarka u leeeyihiin.
Eng ,Abubalar ayaa carrabka ku adkeeyey,in ciddii danteeda ay ka dhex muuqato Universal TV ay markaasi yidhaahdan Tv gaasi waa mid caalami ah ,laakiin hadday dantooda ka waayaan TV gaai,waxa ay sheegaan in uu yahay mid aan dhexdhexaad ahayn .
Si kastaba ha noqotee labada dhinac midna ma sheegin waxa dhabta ah ee ay isku haystaan,waxaanay u muuqataa arrintu ,laba biyo hoostood isku harraatiyey iyagaa is og .
No comments:
Post a Comment