SAFAARADDA MARAYKANKA NAIROBI

SAFAARADDA MARAYKANKA NAIROBI

Tuesday, September 28, 2010

REER BOORAME MAXAA KA MAQAN ?

Maxaa reer Boorame ay mar walba Mudaharaad iyo debed bax cadho wata ay ugu kacaan ,marka arrin yari la soo gudboonato?,maxaa keenay in reer Boorame ay u fiirsadaan xukuumada Siilaanyo,oo ay xasaasiyad uga qabaan ?. Maxaase reer Boorame ay sidaasi oo kale u  samayn waayeen xilliyadii uu talada dalka hayey
Madaxweyne Dahir Riyaale?Dadaka reer Boorame ayaa si aan gabasho lahayn u muujiyey sida ay u saluugsan yihiin saamigii ay ka heleen dowladda Madaxweyne Siilaanyo.Waxay geed dheer iyo geed gaaanba u fuuleen inay xaaladu u dhacdo oo xubintooda ay u helaan sida ay iyagu wax u rabaa.Haseyeeshee ,waxaa mar walba celinayey oo ay dhinacna u dhaafi waayeen ,duruufta dalka ka jirtay ,iyo markii ay indhohooda ku arkeen qolooyin qadoodi ku dhowaday ,oo Saamigoodii u cuntami waayey .


Hadda maxaa cusub ,maxaa dheriga mar kale karka ka keenay .Bal u fiirso ,Galbeedka Somaliland waxaa soo galay si shrci darro ah ,250  oo ONLF ka tirsan oo hubaysan ,oo damacsanaa inay u gudbaan Ethiopia,waxaa la shaqeeyey dad  gobolka Awdal u dhashay. Dabeetana markii ay arrimahasi dowladdu ka baaraan degtay ,waxay dhowaan xilkii ka qaadday General Xudhun ,oo isagu ahaa madax ciidamada Galbeedka Somaliland.

General Xudhuun oo u dhsahay gobolka Awdal ,hadii dowladiisu ay xilka ka qaadday ,maxaa ku jaban ,imisa masuul baa xilka laga qaadaa ?
Reer Borame miyaanay  ogayn inaan dowladnimo iyo Qabiilnimo meel wada gelin.Maxaase Ugaasyada reer Boorame ay arrimaha siyaasadda had iyo jeer ugu horreeyaan.
Qiim intee le'eg bayse keeni karaan mudaharaadyo rabshado wata,oo laga yaabo in dad ay ku naf waayaan.


Hannaanka siyaasadeed ee cabintinkaaga aad dowlad dacwad ugu gudbin kartaa maaha debed bax iyo dhagax la tuuro .Reer Boorama ,markii rag lagu tuhunsan yahay ONLF inay yihiin loo gacan gelinayey Ethiopia ,maxay u debed ixi waayeen? Reer Boorame marka masuul Berbera ama Ceerigaabo u dhashay xilka laga qaado ,maxay u maduharaadi waayeen.
Si kastaba hanoqotee ,Reer Borame ,waa in ay af Gaalo ,iyo Af Muslim Mid uun ku hadlaan .

No comments:

Post a Comment