250 Nin oo loo malaynayo inay ka tisan yihiin Ururka ONLF ee la dagaalama ciidanka Ethiopia ayaa lagu arkay meel 28 km u jirta degmada Xariirad ee gobolka Awdal ee Somaliland. Ciidankaasi o aan si fiican loo aqoonsan ayaa dadka deegaanku waxay sheegeen inay u gudbeen dhinaca buuralayda Maarmaar. Ilaa iyo 750 ciidamada Ethiopia ka tirsan ayaa iyana u soo gudbay dhina omaliland iyaga oo ku raad jooga maleeshiyada la sheegay inay ONLF ka socdaan
Ciidanka thiopia oo sida la filayo oolaansho ka helay maamulka Somaliland ayaa haatan fariisin ka samaysatay degmada Xariirad.
Shir jaraa'id oo ay qabteen taliyayaasha ciidanka Bilayska Somali land ayay ku sheegeen warar is burinaya ,ina ay gacan ku hayaan oo ay dadweynaha u soo bandhigeen ilaa iyo 62 qoriga Baasuukaha loo yaqaano ,iyo weliba qoryaha fudfud,iyo decoments,sida ay sheegeen maleeshiyada halkaasi soo gashay .Mar kalena waxa ciidanka Somaliland ay sheegeen in ayba maanta uun ogaadeen in ciidamo hubaysan oo aan la garanayn.
Si kastaba ha noqotee dadka deegaanka degmada Xariirad iyo agagaarkeeda ayaa walaac ka muujiyey ciidamada is dhaafaya ,ee isku raad jooga,ayna dhici karto in dagaal ballaadhani uu ka dhex qarxo,iyo Somaland oo ay walaac ka muujiyeen inay noqoto waddo Halaq mareen ah .
No comments:
Post a Comment