SAFAARADDA MARAYKANKA NAIROBI

SAFAARADDA MARAYKANKA NAIROBI

Sunday, September 26, 2010

SOMALILAND IY PUNTLAND OO DHINACA AMNIGA ISKAGA KAASHAN DOONA .

Labada maamul ee Somali land iyo Punt land ayaa markii ugu horraysay ka wada hadlay inay iska kashadaan arrimaha Amniga ,gaar ahaana kooxaha lagu tuhunsan yahay  inay gacan saar la leeyihiin Argagixisda caalamiga ah .Wasiirka arrimaha gudaha ee Somali land ,Dr Gabbose ayaa markii ugu horeeysay shir jaraa'id uu qabtay waxa uu shaaca ka qaaday in labada maamulba ay si wada jira isga kaashan doonaan sidii ay wax uga qaban lahayeen ammaanka.
Somaliland ayaa ciidamo ONLF ka tirsanai ,waxa ay ka soo galeen xeebaha galbeedka iyaga oo tababarro kaga soo noqday dalka Eretrea. Sida oo kalena waxaa Puntland ay werwer iyo cabsi weyn kaga qabtaa  Buurlayda Galgala ee dhinaca Bari oo muddo saddex biloodaba u dagaal kaga socday.
Si kastaba ha noqotee waa tallaabo aan hore looga baran labada maamul ee Somaliland iyo Puntland .tallaabadaasi oo horumar iyo deris wanaag muujinaysa.
Labada maamul ayaa mar walba waxaa ka dhexeeyey Colaad ay marar badan isku dhaceen ciidamana ay kaga kala dhinteen labada dhinacba  iska hor imaadyadaasi .

No comments:

Post a Comment