SAFAARADDA MARAYKANKA NAIROBI

SAFAARADDA MARAYKANKA NAIROBI

Friday, September 17, 2010

MUDAHARAAD KA DHACAY BOORAME.

Magaalada Boorame ,ee gobolka Awdal ,ayaa maanta mudaharaad ballaarani uu ka dhacay ,kaasi oo lagaga soo horjeeday saddex nin oo ciidamada Bilayska ee Somali land ay ka soo qabteen galbeedka Somaliland oo lagu eedeeyey inay gacan siiyey ciidamo ONLF ka tirsan oo dhowaan soo dhex jibaaxay dhulka Somalialand.Ciidamada Bilayska ayaa saddexdaasi nin oo Dareewaliin ah  geeyey magaalada Boorama,waxana dadaweynuhu ay u fahmeen in raggaasi maxaabiista aha gacanta loo gelinayo wafdi Ethiopian ah oo xilligaasi Boorame ku sugnaa.
ilaa ilo iyo saddex qof ayaa debed baxaasi ku dhaawacmay ,akdib markii ay ciidmada Bilaysku rasaas ku fureen dadkii mudaharaadayey. Mid ka mid ah dadkii dhaawacmay ayaa lagu soo warramayaa inuu markii dambe u dhintay dhaawacii.
Xukuumadda Somaliland ayaa qiratay in wafdi ka socday Ethiopia ay magaalada Borama ku sugnaayeen,haseyeeshee aanay macnaheedu ahayn in ay u yimaadeen in saddexda maxbuus gacanta loo dhigo. Magaalada Borama ay mudharadaadkaasi kadib  ayaa xaaladeedu deggenayd ,inkasta oo  xiisadda dadweynaha ay aad u kacasnayd.
Saddexii nin ee maxaaiista ahaa ayaa laba ka mid ah Bilayska xooga ay kaga furteen dad ehelkooda ah ,waxna ay la qabteen meel la garan karin oo aan caddayn meesha ay tahay.

No comments:

Post a Comment