SAFAARADDA MARAYKANKA NAIROBI

SAFAARADDA MARAYKANKA NAIROBI

Wednesday, October 6, 2010

SOMALILAND OO SHAQADII KA JOOJISAY UNIVERSAL TV.

Wasiirka warfaafinta ee Somaliland  C/Lahi Geel jire,ayaa soo saaray amar uu Universal kaga jojinayo shaqada ay ka hayaan Somaliland.
Wasiirka ayaa carrabaabay in Universal an dhexdhexad ka ahayn howlaheeda saxaafadeed ayna mudan tahay inaanay wax shaqo ah ka qaban Somaliland.

Dhinaca kalena ,Agaasimaha Universal TV ,Eng Abubakar ayaa  sheegay in TV goodu  uu Somalida u yahay dhxdhexaad ,islamarkaasina aanu cidna gacan ku siin dnaha ay iyagu gaarka u leeeyihiin.
Eng ,Abubalar ayaa carrabka ku adkeeyey,in ciddii danteeda ay ka dhex muuqato Universal TV ay markaasi yidhaahdan Tv gaasi waa mid caalami ah ,laakiin hadday dantooda ka waayaan  TV gaai,waxa ay sheegaan in uu yahay mid aan dhexdhexaad ahayn .
Si kastaba ha noqotee labada dhinac midna ma sheegin waxa dhabta ah ee ay isku haystaan,waxaanay u muuqataa arrintu ,laba biyo hoostood  isku harraatiyey iyagaa is og .

Monday, October 4, 2010

AROOSAD DHIMATAY HABEENKII AROOSKA

Gabar u dhalatay waddanka Urdun oo ahayd Aroos ayaa habeenkii ugu horreeyey ee farxadda
ayaa haddeedii u timid oo ay dhimatay ,xilli ay ku jirtay qolka hurdada .
Gbadha dhimatay oo 26 jir ahayd ayaa lau soo warramayaa in caafimaadkeedu uu taam aha ,oo aanay waxba qabin ,haseyee uu Qaddarku  u yimid xilli ay farxad  ku jirty.

Sunday, October 3, 2010

CULIMO IYO DAD SOMALI AH OO KINIISAD GALAY MINNEAPOLIS

Culimo Somali ah oo si weyn looga yaqaan gobolka Minisota ,magaalada Minneapolis ayaa toddobaadkan galay Kiniisad ku taalla isla magaaladaasi ,iyaga oo ay weheliyaan ilaa 20 qof oo kale oo dumar iyo dhallani yaro u badan . Raggaasi culimada ahaa ayaa halkaasi u tegay inay ka qayb galaan ,waxa loogu yeedhay Midaynta Diimaha,ay ka mid yihiin Diinta Islaamka ,tan Masiixiga iyo tan Yuhuudda.
Hees iyo aayado Kitaabka Bibalka ku qoran ayaa lagu luqeeyey ,waxaana la maray dhamaan tallaabooyinkii la mari jiray marka lagu cibaadaysanayo Kiniisadda.
 Arrinta ayaa cirka isku shareertay ,kadi marki alaaddii Jimcaha lagaga hadlay masajidada Mineapolis qaar ka mid ah .


Fadeexaddan ayaa noqotay ceeb si weyn cirka isugu shareertay oo laga hadal hayo  gobolka Minisota.
Dood allaaran oo arintaasi lagaga hadlayo ayaa laga si daayey TV yada Somalida ee Minneapolis.
Si kastaba ha noqotee waxa su'aali ka taagan tahay waxa culimadii masaajidada Mineapolis qaarkood ay Kiniisad isugu hsubeen ,iyaga oo aan ka baaraan degin,waxa loogu yeedhay ,iyo welia sababta ay u yeeleeninay heesaha masiixiga ku luuqeeyaan.

Saturday, October 2, 2010

SIILAANYO OO AY FAR KU GODAN TAHAY ,INUU ISAGU KA DAMBEEYEY ,SOO GELITAANKA ONLF EE SOMALLAND.

Ilo  wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in madaxweynaha Somalland ,Ahmed Mohamed -Siilaanyo uu ka dameeyey in maleeshiyaad hubaysan oo ka tirsan ururka ONLF ay dhowan so galaan xeebaha ,Galbeedka Somaliland .
Maleeshiyaadkaasi o tiradooda lagu qiyaaso ilaa 250 ciidan aha  ayaa aakhirkii u gudbay xadka dhinaca Ethiopia,kadib markii ay jiddheen ciidamada Kililka Shanaad ee Ethiopia ee lagu magacaabo New Polis .
Waa dufcadii  saddexaad oo ciidamo hubaysan ah oo  ee halkaasi ka gudubta  ,iyaga oo aan far lagu fiqin. Warar xogogal ah ayaa haddaba ku warramaya in Dowlada Ehiopia ay weerar siyaasadeed ku haysan Siilaanyo,tan iyo intii loo doortay madaxweynaha Somaliland.
Siilaanyo aya isaguna soo geliyey ciidamo ONLF ah oo u gudba Dhinaca Ethiopia si ay u weeraraan Ciidamada Ethiopia,si markaasi Ethiopia ay nabadda u ogolaato.
Dowladda Somaliland ayaan lafteedu isku si u haynin wararka ku saabsan ONLF oo Somaliland dhex mushaxaysa ,iyada oo aan la tebin.

Tuesday, September 28, 2010

REER BOORAME MAXAA KA MAQAN ?

Maxaa reer Boorame ay mar walba Mudaharaad iyo debed bax cadho wata ay ugu kacaan ,marka arrin yari la soo gudboonato?,maxaa keenay in reer Boorame ay u fiirsadaan xukuumada Siilaanyo,oo ay xasaasiyad uga qabaan ?. Maxaase reer Boorame ay sidaasi oo kale u  samayn waayeen xilliyadii uu talada dalka hayey
Madaxweyne Dahir Riyaale?Dadaka reer Boorame ayaa si aan gabasho lahayn u muujiyey sida ay u saluugsan yihiin saamigii ay ka heleen dowladda Madaxweyne Siilaanyo.Waxay geed dheer iyo geed gaaanba u fuuleen inay xaaladu u dhacdo oo xubintooda ay u helaan sida ay iyagu wax u rabaa.Haseyeeshee ,waxaa mar walba celinayey oo ay dhinacna u dhaafi waayeen ,duruufta dalka ka jirtay ,iyo markii ay indhohooda ku arkeen qolooyin qadoodi ku dhowaday ,oo Saamigoodii u cuntami waayey .


Hadda maxaa cusub ,maxaa dheriga mar kale karka ka keenay .Bal u fiirso ,Galbeedka Somaliland waxaa soo galay si shrci darro ah ,250  oo ONLF ka tirsan oo hubaysan ,oo damacsanaa inay u gudbaan Ethiopia,waxaa la shaqeeyey dad  gobolka Awdal u dhashay. Dabeetana markii ay arrimahasi dowladdu ka baaraan degtay ,waxay dhowaan xilkii ka qaadday General Xudhun ,oo isagu ahaa madax ciidamada Galbeedka Somaliland.

General Xudhuun oo u dhsahay gobolka Awdal ,hadii dowladiisu ay xilka ka qaadday ,maxaa ku jaban ,imisa masuul baa xilka laga qaadaa ?
Reer Borame miyaanay  ogayn inaan dowladnimo iyo Qabiilnimo meel wada gelin.Maxaase Ugaasyada reer Boorame ay arrimaha siyaasadda had iyo jeer ugu horreeyaan.
Qiim intee le'eg bayse keeni karaan mudaharaadyo rabshado wata,oo laga yaabo in dad ay ku naf waayaan.


Hannaanka siyaasadeed ee cabintinkaaga aad dowlad dacwad ugu gudbin kartaa maaha debed bax iyo dhagax la tuuro .Reer Boorama ,markii rag lagu tuhunsan yahay ONLF inay yihiin loo gacan gelinayey Ethiopia ,maxay u debed ixi waayeen? Reer Boorame marka masuul Berbera ama Ceerigaabo u dhashay xilka laga qaado ,maxay u maduharaadi waayeen.
Si kastaba hanoqotee ,Reer Borame ,waa in ay af Gaalo ,iyo Af Muslim Mid uun ku hadlaan .

SHAN NIN OO LAAS-QORAY LAGU AFDUUBAY


Shan nin oo u shaqaynayey shirkadda isgaarsiita ee Nation Link,oo ka yimid magaalada Hargeisa ayaa lagu afduubay ,magaalada Laas-Qoray . Shantaasi oo  watay gaadhi Landcruiser ah ,waxaa wararka soo baxayaa ay tilmaamayaan in loo hayso 7 nin oo degmada Laas-Qoray u dhashay oo ku xidhan xabsiga Mandheera ,kuwaasi oo lagu eedeeyey howlo Burcadbadeednimo.

Sunday, September 26, 2010

HELICOPTER GANTAAL LA EEGATY GURI KU YAAL MAGAALADA MARKA

Dayuur nooceedu yahay Helicopter oo ka soo kacday markab taagnaa xeebta Somalia ayaa maanta gantaal la eegatay guri ku yaallay magaalada Marka ee go gobolka Shabeelaha Hoose .Girigaasi ayaa wararku waxay intaasi ku darayaan in lagu tuhunsanaa in ay ku shirayeen kooxda argagixisada ah ee Ashabab .
Dayuuraddaasi Helicopterka ah ayaa dib u gu noqotay markabkii ay ka soo haadday ,kadib markii kooxda Ashababa ay rasaas ku fureen .
Weli lama oga lamana caddayn dadka wax ku noqday weerarkaasi dayuuradda Helicopterka ah .