Maxaa reer Boorame ay mar walba Mudaharaad iyo debed bax cadho wata ay ugu kacaan ,marka arrin yari la soo gudboonato?,maxaa keenay in reer Boorame ay u fiirsadaan xukuumada Siilaanyo,oo ay xasaasiyad uga qabaan ?. Maxaase reer Boorame ay sidaasi oo kale u samayn waayeen xilliyadii uu talada dalka hayey
Madaxweyne Dahir Riyaale?Dadaka reer Boorame ayaa si aan gabasho lahayn u muujiyey sida ay u saluugsan yihiin saamigii ay ka heleen dowladda Madaxweyne Siilaanyo.Waxay geed dheer iyo geed gaaanba u fuuleen inay xaaladu u dhacdo oo xubintooda ay u helaan sida ay iyagu wax u rabaa.Haseyeeshee ,waxaa mar walba celinayey oo ay dhinacna u dhaafi waayeen ,duruufta dalka ka jirtay ,iyo markii ay indhohooda ku arkeen qolooyin qadoodi ku dhowaday ,oo Saamigoodii u cuntami waayey .
Hadda maxaa cusub ,maxaa dheriga mar kale karka ka keenay .Bal u fiirso ,Galbeedka Somaliland waxaa soo galay si shrci darro ah ,250 oo ONLF ka tirsan oo hubaysan ,oo damacsanaa inay u gudbaan Ethiopia,waxaa la shaqeeyey dad gobolka Awdal u dhashay. Dabeetana markii ay arrimahasi dowladdu ka baaraan degtay ,waxay dhowaan xilkii ka qaadday General Xudhun ,oo isagu ahaa madax ciidamada Galbeedka Somaliland.
General Xudhuun oo u dhsahay gobolka Awdal ,hadii dowladiisu ay xilka ka qaadday ,maxaa ku jaban ,imisa masuul baa xilka laga qaadaa ?
Reer Borame miyaanay ogayn inaan dowladnimo iyo Qabiilnimo meel wada gelin.Maxaase Ugaasyada reer Boorame ay arrimaha siyaasadda had iyo jeer ugu horreeyaan.
Qiim intee le'eg bayse keeni karaan mudaharaadyo rabshado wata,oo laga yaabo in dad ay ku naf waayaan.
Hannaanka siyaasadeed ee cabintinkaaga aad dowlad dacwad ugu gudbin kartaa maaha debed bax iyo dhagax la tuuro .Reer Boorama ,markii rag lagu tuhunsan yahay ONLF inay yihiin loo gacan gelinayey Ethiopia ,maxay u debed ixi waayeen? Reer Boorame marka masuul Berbera ama Ceerigaabo u dhashay xilka laga qaado ,maxay u maduharaadi waayeen.
Si kastaba hanoqotee ,Reer Borame ,waa in ay af Gaalo ,iyo Af Muslim Mid uun ku hadlaan .
SAFAARADDA MARAYKANKA NAIROBI
Tuesday, September 28, 2010
SHAN NIN OO LAAS-QORAY LAGU AFDUUBAY
Shan nin oo u shaqaynayey shirkadda isgaarsiita ee Nation Link,oo ka yimid magaalada Hargeisa ayaa lagu afduubay ,magaalada Laas-Qoray . Shantaasi oo watay gaadhi Landcruiser ah ,waxaa wararka soo baxayaa ay tilmaamayaan in loo hayso 7 nin oo degmada Laas-Qoray u dhashay oo ku xidhan xabsiga Mandheera ,kuwaasi oo lagu eedeeyey howlo Burcadbadeednimo.
Sunday, September 26, 2010
HELICOPTER GANTAAL LA EEGATY GURI KU YAAL MAGAALADA MARKA
Dayuur nooceedu yahay Helicopter oo ka soo kacday markab taagnaa xeebta Somalia ayaa maanta gantaal la eegatay guri ku yaallay magaalada Marka ee go gobolka Shabeelaha Hoose .Girigaasi ayaa wararku waxay intaasi ku darayaan in lagu tuhunsanaa in ay ku shirayeen kooxda argagixisada ah ee Ashabab .
Dayuuraddaasi Helicopterka ah ayaa dib u gu noqotay markabkii ay ka soo haadday ,kadib markii kooxda Ashababa ay rasaas ku fureen .
Weli lama oga lamana caddayn dadka wax ku noqday weerarkaasi dayuuradda Helicopterka ah .
ABWAAN DHOODAAN OO BABUUB LA GUDDOONSIIYEY.
Abwaan C/Laahi Macaalin Dhoodaan ayaa maanta la guddoonsiiyey Baabuur Landcruiser ah oo ah ugu deeqeen dadka deegaanka Somalida ee Ethiopia .
Dadka daneeya dhaqanka iyo suugaanta Somaliada ayaa si weyn u dhalleecey ina la illaaway kaalintii suugaaneed iyo dhaqan ururineed ee Abwaan C/laahi Macaallin Dhoodaan .Waxayna markii ugu horraysay ay ugu deeqeen Baabuur uu Abwaanku ku fushad danihiisa ,waxa Abwaan dhoodaan oo aad u faraxsani uu uga mahad celiyey kalgacalka iyo iyo sida dadweynuhu ay laabta ugu hayaan abwaankoooda.
AHLA-SUNNA WAJAMAACA OO DKMG KA BAXAY.
Kooxda Ahla Sunna Wajamaaca ayaa markii ugu horraysay daboolka ka qaadday inay ka baxday ka qayb ahaanshaahii DKMG ee Somaliya ee uu horjoogaha ka yahay wadaadka Shariif Axmed.
Kooxda Ahla Sunna aya sheegtay inay dowladda ka aamin baxeen,ka dib markii sida ay sheegeen ay ogaadeen in dowladduba la shaqayso kooxaha ay ku tilmaanto inay la dagaalamayaan .Dowladda ayay waxay ku tilmaameen inay ka warqabaan ashabab iyo Xizbul Islam sidoonkooda dagaal iyo xeeladaha ay la damacsan yihiin inay u gaystaan shacabka rer Banaidr,
Ahla Sunna waxay si weyn u dhaleeceeyenn Sh.Shriif oo ay ku tilmaameen nin macallin dayaana ahaa oo aairad dun gelin karin ,waxna kala ogayn .
SOMALILAND IY PUNTLAND OO DHINACA AMNIGA ISKAGA KAASHAN DOONA .
Labada maamul ee Somali land iyo Punt land ayaa markii ugu horraysay ka wada hadlay inay iska kashadaan arrimaha Amniga ,gaar ahaana kooxaha lagu tuhunsan yahay inay gacan saar la leeyihiin Argagixisda caalamiga ah .Wasiirka arrimaha gudaha ee Somali land ,Dr Gabbose ayaa markii ugu horeeysay shir jaraa'id uu qabtay waxa uu shaaca ka qaaday in labada maamulba ay si wada jira isga kaashan doonaan sidii ay wax uga qaban lahayeen ammaanka.
Somaliland ayaa ciidamo ONLF ka tirsanai ,waxa ay ka soo galeen xeebaha galbeedka iyaga oo tababarro kaga soo noqday dalka Eretrea. Sida oo kalena waxaa Puntland ay werwer iyo cabsi weyn kaga qabtaa Buurlayda Galgala ee dhinaca Bari oo muddo saddex biloodaba u dagaal kaga socday.
Si kastaba ha noqotee waa tallaabo aan hore looga baran labada maamul ee Somaliland iyo Puntland .tallaabadaasi oo horumar iyo deris wanaag muujinaysa.
Labada maamul ayaa mar walba waxaa ka dhexeeyey Colaad ay marar badan isku dhaceen ciidamana ay kaga kala dhinteen labada dhinacba iska hor imaadyadaasi .

Thursday, September 23, 2010
FINDLAND OO MARKAB DAGAAL U DIRAYSA XEEBAHA SOOMAALIYA .
Waddanka Findland ayaa haatan go'aansaday inuu markab kuwa dagaalka ah u diro biyaha Somalia ,si uu uga hortago Burcad badeedda Somalida oo iyagu maraakiib badan oo Caalamka isaga gooshaysa ku afduuba Gacanka Cadmeed iyo weliba badweynta Hindiya.
Dowladda Finlad oo magan gelyo siyaasadeed siissay ilaa iyo 10'000 oo Somali ah ayaa rumaysan in Somalida dalkeeda ka soo qaxday ay ka soo carareen dhibaatada ay Burcadbadeedda Somalidu ku hayaan Somaliya,waxana Findland ay hadda go'aansatay inay burcadbadeedda Soamlida ka hortagaan ,si markaasi loo yareeyo amaba loo dhimo tirada dadka qaxootiga ah ee Somalida ee Findlan u doonanaya magan gelyada .Qaxootiga Somalida ee halkaasi ku sugan ayaa waxaa soo food saara dhibaatooyin ay luqaddu ugu weyn tahay oo caqabad ku noqda la qabsiga iyo ka xoosashada waddanka Findland.
DEEGAANKA GALGALA OO TELEFOONADII LAGA JARAY.
Maamul goboleedka Puntland ayaa isgaarsiintii ka jaray degaanka Galgala oo beryihii u dambeeyey u kula dirirayey wadaadka lagu magacaabo Sh.Mohamed Said(Atom),oo isagu deegaankaasi ka soo jeeda.Maamulka Puntland ayaa muddaba ku cadaadinayey shirkadda isgaarsiinta ee GOLIS ,sidii ay u jari lahayd isgaarsiinta deegaanka Galgala oo dagaal culusi kaga socday maamulka PL muddo dhowr bilood ah.Maamulka ayaa shirkadda ka codsaday inay khadka u dhaafaan oo keliya Taliyayaasha ciidamada goobta dagaalka ee degaanka Galgala.
Madaxweyne Faroole ayaa dagaalka kaga furmay deegaanka Galgala sahashaday oo u qaatay inuu yahay mid uu ku soo afjari karo uun muddo kooban,haseyeeshee ku noqday fari tog dheer bay kula xushaa.
Wednesday, September 22, 2010
Tuesday, September 21, 2010
WIIL YAR OO ASHABAB KA TIRSANAA OO AMISOM GACANTA KU DHIGEEN.
Maxamed Macalin Aaden ,waa wiil 16jir ah oo ka tirsanaa kooxda Ashabab oo maanta ay gacanta ku dhigeen ciidamada AMISOM oo uu dagaal dhex maray iyaga iyo Ashabab.
Maxamed Macallin oo ka soo jeeda degmada Diinsoor waxa uu ka mid yahay carruurta ay soo duufsdaan kooxda Ashabab ee ay ku dagaal galaan .Barigu Bahuku oo isagu ah afhayenka ciidamada AMISOM ayaa sheegay in wiilkani xataa uu diiday inuu gacan qaado ciidamada ama saraakiisha AMISOM oo uu aaminsan yahay inay Gaalo yihiiin oo uu dhiigoodu bannaan yahay .
Bahuku waxa uu intasi ku dray inay wiilkaasi hayn doonaan oo aanay wax dhibaato ah u gaysan doonin/
YAA MAANTANA IS CASILAY
IMMISA RA'ISAL WASAARE AYAA SOMALIYA ISKA CASILAY 10 KII SANO EE U DAMBAYSEY ?
DHEGAHA DADKA SOMALIDASE MA KU CUSB TAHAY RA'ISAL WASAARE IS CASILAY?
DHEGAHA DADKA SOMALIDASE MA KU CUSB TAHAY RA'ISAL WASAARE IS CASILAY?
Saturday, September 18, 2010
DEMBIILAYAAL AAN DIGIGIXAN
Miyaanay haboonay in maxkamad dembi la saaro ragga isku magacaabay inay Somalia masuul ka yihiin ,iyada oo aanay cidina u xil saari.
Ragani waxay hamuun u qabaan xukun iyo lacag,waxayna iska indho tiraan shacabla le'day,Caalamkuna wuuu isku daawanayaa.
Ragani waxay hamuun u qabaan xukun iyo lacag,waxayna iska indho tiraan shacabla le'day,Caalamkuna wuuu isku daawanayaa.
Friday, September 17, 2010
FANNAANKA SAMATAR OO TASHUUSH LAGU FURAY MARKII UU GAARAY KENYA.
Fannaanka Xasan Aden Sanatar ayaa lagu furay buuq iyo tashuush ,markii uu tegay magaalada Nairobi ee dalka Kenya ,si halkaasi oo masrixyad uga dhigo . Sh.Umul oo ah Imaammka Masaajidka Nairobi ayaa isagu tan iyo ciidii waxa uu ka dayrinayey fannaaniinta Somalida e dalkaasi ka dhiga xafladaha heesyhu inay yihiin Shadaadiin soo shaqo tegay .
Waxana Slaadii Jimcaha ee maanta khudbadii lagaga hadlay ,sharka ay fannaaniinta Somalidu bulshada ugu habar wacanayaan .
Xasan Aden Samatar ayaa siagu sheegay inaanu waxba ku darsanaynin kuwa ka soo horjeeda ,haseyeeshee uu raalli gelinayo kuwa taageersan .

MUDAHARAAD KA DHACAY BOORAME.
Magaalada Boorame ,ee gobolka Awdal ,ayaa maanta mudaharaad ballaarani uu ka dhacay ,kaasi oo lagaga soo horjeeday saddex nin oo ciidamada Bilayska ee Somali land ay ka soo qabteen galbeedka Somaliland oo lagu eedeeyey inay gacan siiyey ciidamo ONLF ka tirsan oo dhowaan soo dhex jibaaxay dhulka Somalialand.Ciidamada Bilayska ayaa saddexdaasi nin oo Dareewaliin ah geeyey magaalada Boorama,waxana dadaweynuhu ay u fahmeen in raggaasi maxaabiista aha gacanta loo gelinayo wafdi Ethiopian ah oo xilligaasi Boorame ku sugnaa.
ilaa ilo iyo saddex qof ayaa debed baxaasi ku dhaawacmay ,akdib markii ay ciidmada Bilaysku rasaas ku fureen dadkii mudaharaadayey. Mid ka mid ah dadkii dhaawacmay ayaa lagu soo warramayaa inuu markii dambe u dhintay dhaawacii.
Xukuumadda Somaliland ayaa qiratay in wafdi ka socday Ethiopia ay magaalada Borama ku sugnaayeen,haseyeeshee aanay macnaheedu ahayn in ay u yimaadeen in saddexda maxbuus gacanta loo dhigo. Magaalada Borama ay mudharadaadkaasi kadib ayaa xaaladeedu deggenayd ,inkasta oo xiisadda dadweynaha ay aad u kacasnayd.
Saddexii nin ee maxaaiista ahaa ayaa laba ka mid ah Bilayska xooga ay kaga furteen dad ehelkooda ah ,waxna ay la qabteen meel la garan karin oo aan caddayn meesha ay tahay.
Tuesday, September 14, 2010
DAGAAL KA DHACAY MEEL DEGMADA XARIIRAD AAN WAX BADAN KA DURUGSANAYN.
Maleeshiyaad huaysan oo toddobaadkan galay gudaha Somlilanad ayaa haatan la shegayaa inay 18 km gudaha Ethiopia ay u gudbeen,kadibna uu dagaal dhex maray iyaga iyo ciidamadasi Ethiopia.La ma oga weli khasaraha dhimasho iyo dhaaac ee ka dhashay dagaalkaasi .
Somalland ayaa ku warramaysa in ,maleeshiyaadkaasi ay qaarkood go'doomiyeen ciidamada Ethiopianka ,lagana yaabo in haddii hubku uu ka dhammaado aya markaasi is dhiibaan .
Ururka ONLF ayaa si weyn u diiday oo u beeniyey inay maleeshiyaadkaasi ay Ururka ONLF ,ka tirsan yihiin .
Madmadow iyo shaki ayaa weli ka jira cidda dhabta ah ee ay yihiin maleshiyaadkaasi soo dhex jibaaxay Somaliland iyaga oo huaysan ,oo weliba isku dayey inay u gudaan dhinaca Ethiopia.

Monday, September 13, 2010
GOORMA AYAYNU HUBKA DHIGNAA ?
2O sano ayaa hub la sitay ,wax la dilayeywax la dhacayey,khiyaamo ,hagardaamo,iyo dhiigga oo la xalaashadaana ay noqotay waxaan laga xishoon.
Yaa xal laga sugayaa,ma Beesha caalamka ,Ma Somalida iyo Mahdi inoo soo dega.
Maxay galabsadeen Carruurta iyo haweenku ,maxaa dembi looga gelayaa ?
Goorma ayaase laga ilbaxayaa qori degta lagu qaato.
Waxaa wax laga yaxyaxo ah in Diinta Islaamka laga dhigto hub lagu marmarsoodo ,in Aayadiha Qur'aanka laga dhigto sidii maahmaahyo oo kale ,oo la yidhaahdo la jiifiyaana bannaan uyana waa sharf dhac iyo gef Ilaahay iyo Diintaba laga galayo .
250 NIN OO HUBAYSAN OO XADKA SOMALILAND KA SOO TALLAABAY.
250 Nin oo loo malaynayo inay ka tisan yihiin Ururka ONLF ee la dagaalama ciidanka Ethiopia ayaa lagu arkay meel 28 km u jirta degmada Xariirad ee gobolka Awdal ee Somaliland. Ciidankaasi o aan si fiican loo aqoonsan ayaa dadka deegaanku waxay sheegeen inay u gudbeen dhinaca buuralayda Maarmaar. Ilaa iyo 750 ciidamada Ethiopia ka tirsan ayaa iyana u soo gudbay dhina omaliland iyaga oo ku raad jooga maleeshiyada la sheegay inay ONLF ka socdaan
Ciidanka thiopia oo sida la filayo oolaansho ka helay maamulka Somaliland ayaa haatan fariisin ka samaysatay degmada Xariirad.
Shir jaraa'id oo ay qabteen taliyayaasha ciidanka Bilayska Somali land ayay ku sheegeen warar is burinaya ,ina ay gacan ku hayaan oo ay dadweynaha u soo bandhigeen ilaa iyo 62 qoriga Baasuukaha loo yaqaano ,iyo weliba qoryaha fudfud,iyo decoments,sida ay sheegeen maleeshiyada halkaasi soo gashay .Mar kalena waxa ciidanka Somaliland ay sheegeen in ayba maanta uun ogaadeen in ciidamo hubaysan oo aan la garanayn.
Si kastaba ha noqotee dadka deegaanka degmada Xariirad iyo agagaarkeeda ayaa walaac ka muujiyey ciidamada is dhaafaya ,ee isku raad jooga,ayna dhici karto in dagaal ballaadhani uu ka dhex qarxo,iyo Somaland oo ay walaac ka muujiyeen inay noqoto waddo Halaq mareen ah .

Saturday, September 11, 2010
NIN SI KIBIR AH LOOGU DILAY XABSIGA AGROOWE.
C/Rahman X.Abshir oo ay walaalo yihii siyaasiga Xasan X.Abshir ayaa dilay nin xidhan oo waqtigaa
labada gacmoodba ka xidhnaa. Ninkaasi la dilay oo makiiba dhintay ayaa ka soo jeeday dadka laga tiro badan yahay ee la yaso .
Ma jirin Muran weyn oo looga shaki qaby in ninka dhintay ay ku keeni karto in la khaarajiyo,haseyeeshe
C/Rahman X.Abshir oo ah wiil dhllinyaro ah oo lebista darajada Colonel ,iskuna magacaaba ,taliyaha qaybta bilayska ee gobolka Nugaal ayaa lagu soo warramayaa inuu yahay nin xoog iyo kibir ku dhex mushaaxa magaalada caasimadda ah ee Garoowe,isaga oo isku hallayn ka haysta Madaxweyne isku sheegga Majeerteeniya .

Thursday, September 9, 2010
C I I D W A N A A G S A N
Waxa guud ahaan dalalka Muslimiintu ay si weyn oo farxad leh ay ugu dabbaal degegayaan Ciidda weyn ee Ciidul-Fitriga .
Inkasta oo Konfurta Somaliya ay dagaallo aafeeyeen,haddana waxaa laga dareemayaa Muqdiho iyo agaagaarkeedaba in dadku ay farxad ku soo dhoweeyeen Ciidda.
Inkasta oo Konfurta Somaliya ay dagaallo aafeeyeen,haddana waxaa laga dareemayaa Muqdiho iyo agaagaarkeedaba in dadku ay farxad ku soo dhoweeyeen Ciidda.
Wednesday, September 8, 2010
Subscribe to:
Posts (Atom)